http://k5difsxrb4oyvxi5uvvhph34w5qwbovgwbkoddtbmakiukfzmo2fxlqd.onion/Somalia/SomaliBible.html
Genesis Genesis 1 1:1 Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.
1:2 Dhulkuna qaab ma lahayn, wuuna madhnaa; gudcurna moolkuu dul joogay; oo Ruuxa Ilaahna wuxuu ka dul dhaqdhaqaaqayay biyaha.
1:3 Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiin ha ahaado: iftiin baana ahaaday.
1:4 Ilaahna wuxuu arkay iftiinkii inuu wanaagsan yahay: Ilaahna iftiinkii ayuu ka soocay gudcurkii.
1:5 Ilaahna iftiinkii wuxuu u bixiyey Maalin, gudcurkiina wuxuu u bixiyey Habeen.