http://k5difsxrb4oyvxi5uvvhph34w5qwbovgwbkoddtbmakiukfzmo2fxlqd.onion/Somalia/SomaliBible.html
Oo way i dili doonaan, laakiin adiga way ku dayn doonaan.
12:13 Waxaad ku tidhaahdaa, Walaashiis baan ahay; si ay iigu roonaadaan adiga aawadaa, oo ay naftaydu daraaddaa u noolaato.
12:14 Oo waxay noqotay in markii Aabraam Masar soo galay, ay Masriyiintii arkeen in naagtu aad u quruxsan tahay.
12:15 Oo amiirradii Fircoon baa arkay, oo Fircoon bay u ammaaneen iyadii, oo naagtii waxaa loo kaxeeyey gurigii Fircoon.
12:16 Isaguna Aabraam si wanaagsan buu u qabtay iyada aawadeed: wuxuuna lahaa ido, iyo dibiyo,...