http://k5difsxrb4oyvxi5uvvhph34w5qwbovgwbkoddtbmakiukfzmo2fxlqd.onion/Somalia/SomaliBible.html
Wuxuuna dhisay magaalo, oo magaaladiina wuxuu ku magacaabay magicii wiilkiisii Enook.
4:18 Enookna waxaa u dhashay Ciiraad; Ciiraadna wuxuu dhalay Mexuuya'el: Mexuuya'elna wuxuu dhalay Metuusha'el: Metuusha'elna wuxuu dhalay Lamek.
4:19 Lamekna wuxuu guursaday laba naagood; mid magaceedu wuxuu ahaa Caadah, tan kalena magaceedu wuxuu ahaa Sillah.
4:20 Caadahna waxay dhashay Yaabaal: isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa teendhooyinka deggan oo xoolaha leh.
4:21 Magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yuubaal; isna wuxuu...